Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku toogtay 3- Nin iyo Haweeney dil geesan rabay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta agagaarka Isgooska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sadex nin iyo haweeney la sheegay in ay dil geesan rabeen.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Generaal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada booliiska ee ka howlgala Isgooska Bakaaraha dileen sadex nin iyo haweeney doonayay in ay dil geestaan.

Waxa ay sheegtay taliyaha in afartan ruux ay toogteen booliiska oo biskoolado ku hubeesnaa ay doonayeen in ay dilaan  Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare.

”Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday.” ayey tiri Jen Zakiya.

Meydadka afarta ruux ay duhurnimadii maanta toogteen ciidamada booliiska ayaa in mudo ah yaalay goobtii lagu dilay, waxaana dadkan la dilay dusha laga saaray biskooladihii ay doonayeen in ay dilka ku geestaan.

Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada ayaa booqday goobta lagu dilay afartan ruux , waxa ayna noqoneysaa markii ugu horeesay tiro intan la eg dad doonaya in ay dil geestaan oo ciidamada amaanka toogtaan.

 

- Advertisement -