Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

War cusub oo ka soo kordhay dedaalkii Wakiilada Beesha Caalamku ka wadeen Kismaayo

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo Guddiga Doorashada  Maamulka Jubbaland ayaa aqbalay labadii qodob ee ay wateen Wakiilada Beesha Caalamka ee maanta tegay magaalada Kismaayo.

Kulan dhexmaray Wakiilada Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayey Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada ayey Guddigu ku ogolaadeen in dib loo furo Diiwaangalinta Musharaaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo in dib lo dhigo xilliga Doorashada Jubbaland si Musharaxiinta mucaaradka waqti loo siiyo.

Qodobka ku saabsan wax ka bedelka shuruudaha Musharixiinta ayaa weli taagan, iyadoo dadaalka beesha caalamka uu qeyb ahaan hirgalay, laakiin lama oga inay aqbali doonaan musharixiinta isbedel doonka iyo taageerayaashooda.

Dadaaladii ugu danbeeyay ee Beesha Caalamka ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo si looga baaqsado khilaaf iyo maamullo kala duwan oo Jubbaland yeelato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada dalka Sweden (Daawo Sawirada)

admin

Cabdiraxmaan Jaabiri oo loo doortay Guddiga fulinta Midowga xog-hayayaasha Baarlamanka…

Cabdi Cade

Ciidamada DFS oo qaaday tallaabo magaalo weyn go’doonka looga qaadayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---