Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Owdheegle iyo dagaalyahano nool oo la qabtay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah loo adeegsaday ku qaaday xero ay ciidamada Danab ku leeyihiin Degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada dowlada iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxaa sidoo kale weerarkan khasaaro uu kasoo gaaray dad shacab ah.

Taliska milatariga Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii maanta dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ku leeyihiin degmada Owdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in ciidamada dowlada kahor tageen weerar uu sheegay in Al Shabaab kusoo qaadeen saldhig milatari.

Waxa uu sheegay taliyaha in weerarka ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab ayna hada yaalaan meydadkooda , waxa uuna intaa raaciyay in dagaalkaasi jab xoogan uu kasoo gaaray Al Shabaab.

Waxa uu sidoo kale General Yuusuf Raage Odawaa sheegay in gacanta lagu dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo weerarka qeyb ka ahaa, waxa uuna shaaciyay in ay soo bandhigi doonaan dagaalyahanadaasi ay qabteen.

Al Shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay weerarka ay maanta ku qaadeen dagaalyahaneeda degmada Owdheegle, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen ciidamo katirsan dowlada.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ciidamada Danab ku lahaayeen degmada Owdheegle , waxaana weerarkaasi khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray ciidamada Milatariga.

 

- Advertisement -