Saraakiil katirsan Sirdoonka Itoobiya oo saakay safar Qarsoodi ah ku tagay Kismaayo

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil katirsan Sirdoonka dalka Itoobiya shalay safar qarsoodi ah ku yimaadeen magaalada Muqdisho , iyagoona maanta usii safray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Saraakiishan ka socday Sirdoonka Itoobiya ayaa saakay gaaray magaalada Kismaayo, waxa ayna halkaasi kulamo xasaasi ah kula qaadan doonaan Madaxda maamulka Jubbaland uu ugu horeeyo Sheekh Axmed Madoobe.

Sida aan wararka ku heleyno saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa doonaya in cadaadiska kusii kordhiyaan Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo mar kale u sharaxan in Hogaanka Jubbaland qabto isagoona soo dhistay Baarlamaanka taageersan.

Dowlada Itoobiya ayaa horey loo sheegay in cadaadis ku hayaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, lamana oga ilaa hada dowlada Itoobiya cida ay la dooneyso in uu hogaamiyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey uga cudur daartay in magaalada Adis Ababa tago, waxa uuna taa badalkeeda dowlada Itoobiya ka dalbaday in ay ugu yimaadaan Kismaayo kana wada hadlaan waxa jira.

Dowlada Itoobiya ayaa xiligan wada shaqeyn dhaw la leh dowlada Federaalka Soomaaliya oon iyadu ku qanacsaneyn sida ay u socoto qaban qaabada doorashada iyo in mar kale masraxa uu kusoo laabto Sheekh Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -