Fariimo kala duwan oo loo diray Xildhibaanada iska horjeeda ee Baarlamanka Somalia

Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha xaalku ku xun yahay ee golaha shacabka Max’ed Cismaan Jawaari ayaa caawa fariimo u kala diray Xildhibaanada Baarlamanka, iyagoo ku wargeliyay in beri la qaban doono kulanka golaha shacabka ajendaha kulankana uu yahay arrinta xuduudka Beled xaawo.

Arintan ayaa timid xili maanta Guddoomiye ku-xigeenka 1aad C/wali Muudey uu isna dhinaciisa ku wargeliyay Xildhibaanada inay maalinta berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 4-ta April ka soo qeyb galaan kulanka guud ee ajandihiisa yahay Mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Jawaari.

Xasaradan cusub ayaa bilaabatay ka dib markii ay fashilnatay waan-waantii la doonayay in lagu dhameeyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Baarlamanka, iyadoo guddoomiye Jawaari oo shir jaraaid qabtay uu sheegay inuu diiday soo jeedin ka timid Madaxweynaha oo aheyd inuu iscasilo.

Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisada ka dhex aloosan Baarlamanka ee ku saleysan ismari waaga ka taagan Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana xaaladu ay ku soo laabatay halkuu ay joogtay todobaad ka hor, lamana saadaalin karo sid xaal noqon doono maalinta beri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -