Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Tanzaaniya oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo celiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo kuyaala dalka Tanzaaniya, kadib dadaalo badan ay sameesay safaarada Soomaaliya ku leedahay dalkaasi.

Maxaabiistan oo sanado kala duwan ku xirnaa dalka Tanzaaniya ayaa waxaa dadaal badan ku bixisay sidii xabsiyada looga soo saari lahaa dalkana loogu soo celin lahaa Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaalida ee Dalka Tanzaaniya Fardowsa Maxamed Qanyare.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maxaabiistab dalka dib loogu soo celiyay oo gaarayay 17-qof kusoo dhaweeyay Wasiirka Arimaa Dibadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay hay’adihii iyo masuuliyiintii juhdiga iyo dedaalka ku bixiyay soocelinta Dadkan Soomaaliyeed ee mudada ku xirnaa xabsiyadda dalka Tanzaaniya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey ugu guuleesatay in dalka dib ugu soo celiso maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo kuyaala qaar kamid ah wadamada caalamka , waxaana maxaabiistan dalka lagu soo celiyay dib ula midoobeen eheladooda.

- Advertisement -