Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Saraakiil booqday degmada Aw-Dheegle oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga,ka dib markii safar xagga dhulka ah ay ku tageen degmadaasi oo dhowaan laga xoreeyay Alshabaab.

Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage, Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsadey inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba ay gobolka ka joogaan si looga adkaado Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ka hor yimid xukun adag oo ay ku riday Maxkamad ku taalla Mareykanka

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo War kasoo saartay Heshiiska ay Dowlada la galeen (Halkan Akhriso)

Cabdi Cade

Xildhibaanadii Mooshinka keenay oo ka soo horjeestay go’aankii Guddiga joogtada ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---