Gaari Qaali ah oo lagu xaday Xoolo Nool iyo Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo Sawirro)

Labo nin oo burcad ah ayaa ku dhaqaaqay xatooyo dad badan oo daafaha dunida kunool layaab ku noqotay, kadib markii labo neef oo lo’ iyo ido kala ah ay ku xadeen gaari aad qaali u ah.

Ciidano katirsan booliiska dalka Uzbekistan ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo gaari ku watay labo neef ay soo xadeen , waxaana ragan hada ku xiran yihiin saldhig booliis iyada oo ay ku socoto baaritaan.

Ragan burcada ah ayaa si aan looga shakin waxa ay labadan Neef ee lo’da iyo idaha ah kusoo riteen gaari nuuca raaxada ah aadna qaali u ah, waxaana gaarigan  noociisu yahay Malibu Chevrolet oo ay sameyso shirkada Mareykanka laga leeyahay.

Warbaahinta Caalamka iyo baraha bulshada ayaana aad looga hadal hayaa dhacdadan, waxa ayna dadka qaakood soo qoreen ””ugu yaraan sacu  wuu faraxsan yahay” halka mid kalan auu soo qoray “dabcan waa la xaday sida caruusadda ayaase lagu galbiyay gaari noociisu yahay Malibu”.

Gaarigan xoolaha nool lagu soo xaday ayaa kamid ah gawaarida ugu qaalisan gudaha dalka Uzbekistan,  Waa gaarigan qiimihiisa uu  ku kacaa 30,000 oo dollar ,waxaan gaarigan iska lahaa mid kamid ah labada nin ee xatooyada geestay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -