Wasiir Cali Dhuux oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London (Daawo Sawirro)

Waxaa xalay magaalada London lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cali (Dhuux).

Munaasabada soo dhaweynta ee loo sameeyay Wasiir Cali Dhuux waxaa kasoo qeyb galay Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan Magaalada London gaar ahaan waxgarad, dhalinyaro, siyaasiyiin iyo Haween .

Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee magaalada London ayaa Wasiirka ka wareestay isbadalka xiligan ka jira deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo qorshayaasha maamulka ee ku aadan dhinaca horumarka iyo nabad galyada.

Wasiir Cali Dhuux ayaa u sheegay Jaaliyadda in xiligan uu jiro isbadal badan oo dhinaca maamulka ah, waxa uuna Jaaliyadda ka codsaday in ay taageeraan maamulka gacana ka geestaan horumarka deegaanada ay kasoo jeedaan

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay Munaasabada ayaa aad ugu mahad celiyay Wasiirka iyo shaqada muuqata uu u hayo dadka Koonfur Galbeed, waxa ayna balan qaadeen in ay maamulka la shaqeyn doonaan garab buuxana ay siin doonaan.

Munaasabada soo dhawenta iyo casho sharafta xalay magaalada London loogu sameeyay Wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Cali (Dhuux) ayaa kusoo dhamaatay jawi aad u qurux badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -