Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War kasoo saaray Geerida Nabaddoon Cilmi Hagar Gurre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geeridda maanta ku timid Nabadoon Cilmi Xagar Guure oo ku shahiiday dagaal ka dhacay jiidda hore ee deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yiri: ‘Mujaahid Cilmi wuxuu ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasilloonida u diiday.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga baryay Nabaddoon Cilmi Hagar Guurre inuu ilaahey ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa — samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed.

Geerida nabaddoon Cilmi Hagar ayaa sidoo kale waxaa ka tacsiyadeeyay masuuliyiin kala duwan iyo sidoo kale qeybaha bulshada oo aad uga naxay geerida Nabaddoonka.

Related posts

Muslimiinta kunool Japan oo laba-jibbaar kordhay iyo Masaajid badan oo la dhisay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada Ciidamada ee…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---