Labo Nin oo saakay lagu toogtay Fagaare kuyaala Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab kana qeyb qaateen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Labadan nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu lagu magacaabayay Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxa ayna labadan qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay oo aheyd Iskool Buluusiya waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale oo ciidan kuwaa oo daawanayay sida xukunka dilka ah loo fulinayay,

Ragan la dilay ayaa ka qeyb qaatay weeraro iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho oo galaaftay nolosha dad badan, waxaana horey xukun dil ah ugu riday Maxkamada ciidamada iyadoona isla maanta lagu fuliyay xukunkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -