Labo dowlad goboleed oo laga hirgeliyey Sheybaarka lagu baaro COVID-19 (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada DFS ayaa waxa ay ka hirgelisay sheybaaro cusub oo lagu baaro caabuqa COVID-19 (GeneXpert) Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland (Baydhabo iyo Beled Xaawo) iyada oo horay loo tababaray shaqaalihii ka shaqeyn lahaa.

Sheybaaradani cusub ayaa wax weyn ka tari doona in laga baaro caabuqa COVID-19 bulshooyinka ku nool deeganadaasi.

Sidoo kale waxaa la gaarsiiyay agabka la xirto ee looga hortago caabuqa COVID (PPEs), Rapid test 4000.

Waxa sidoo kale isbuucan hawl gali doono shaybaaro ku kala yaala Jowhar, Baladweyne iyo Dhuusamareb sida qorshuhu yahay, waxayna arrimahan ku soo beegmayaan xili ay hoos u dhaceen mudooyinkan kiisaska cudurkan ee laga helayo dalka gudihiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -