Allbanaadir.com
GALMUDUG

Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo dib loo dhigay iyo sababaha ka dambeeya

Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega degaanada Galmudug ayaa maanta shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid shirka oo lagu waday inuu furmo maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 5-ta bisha Agoosto.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in sababaha keenay dib u dhaca shirka ay ka mid yihiin iyadoo la tixgalinayo maalmaha baroordiiqda ee loo asteeyey Guddoomiye Yariisow iyo Munaasabadda maalmaha Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo haysa.

Sidoo Kale Guddiga ayaa tilmaamay in Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug la qaban doono 17 Bishan Agoosto sida ku xusan qoraalka.

Waxaa guddigu ugu baaqay ergooyinka ka qeyb galaya shirka inay tagaan Magaalada Dhuusamareeb inta ka horeysa xiligaas, ayna ilaaliyaan waqtiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay degaanada Galmudug

Caydiid Ali

Saadaq Joon oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---