Madaafiic caawa lagu weeraray Garoonka dayuuradaha Muqdisho & Xerada Xalane

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa caawa lagu weeraray Garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Ugu yaraan shan madfac oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde iyo xerada Xalane oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, Xarunta QM ee Soomaaliya iyo safaaradaha reer galbeedka qaarkood.

Warar laga helayo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in ilaa labo qof ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah madaafiicdas oo ku dhacay Gudaha Garoonka iyo bannaankiisa, waxaana sidoo la sheegay in madaafiicdaas ay waxyeelo ka soo gaartay Gaari nooca raaxada ah.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarkan ayaa war ay soo saartay waxaa lagu sheegay inay Garoonka dayuuradaha Muqdisho ku weerareen ilaa 9 madfac, ayna garoonka  ku dhacday 7 ka mida madaafiicda, halka laba kalena ay ku dhaceen iridka garoonka, sida ay shaacisay warbaahinta Al-shabaab oo sidoo kale intaas ku dartay in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay ku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo ajaaniibta kale ee ku sugan Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -