Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Shire Xaaji Faarax oo saakay ka bad baaday qarax lagu dili rabay

Wasiirkii hore ee qorshaynta ee maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax oo sidoo kale soo noqday Musharax Madaxweynaha Puntland ayaa saakay ka bad baaday qarax la doonayay in lagu dilo.

Qarax miino oo lagu aasay hareeraha laamiga ayaa lala eegtay gaari uu la socday Shire Xaaji Faarax , waxaana qaraxaasi uu ka dhacay wadada hor marta Hotelka Ramada ee Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka ayaa ka bad baaday qaraxa miino ee lala eegtay, waxaana inta la xaqiijiyay qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray askari kamid ahaa ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee maamulka Puntland.

Ciidamada booliiska ayaa howlgalo baaritaano ah kawada magaalada Boosaaso , mana jiro ilaa hada cid loo soo qabtay qaraxan miino ee saakay ka dhacay magaalada ganacsiga ee Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo gaaray Baydhabo iyo Laftagareen oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Fatou Bensouda hoggaamin doonta baaritaanka tacadiyada ka dhacay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Soomaali 64 Sanno jir ah oo dil ka geestay Dalka Canada iyo Booliiska oo qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---