Al-Shabaab oo soo bandhigtay qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Baarlamanka (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa soo gabegabeysay kulan ballaaran oo ay la qaadatay qaar ka mid ah odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka oo gaaray degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degaanada ay kooxdan Maamusho.

Odayaashan oo ka tagay degaanada ay ka arrimiyaan Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa waxaa halkaas towbada loogu qabtay illaa 86 oday sida ay warka u dhigtay Al-shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ayaa ka qeyb galay kulanka Odayaasha waxaana ka mid ahaa  Shiikh Yuusuf Kabo-kutukade oo ah guddoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Sh/dhexe, Shiikh Guuleed Abuu Nabhaan oo sidoo kale u qaabilsan Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo gobolka Mudug ugu magacaaban.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay cafis u fidisay Odayaasha lagu soo bandhigay degmada Buq Aqable, wixii hadda ka dambeeyana ay degaanadooda ugu noolaan karaan si xor ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowaan 45 cisho u qabatay iney isku diiwaan geliyaan degaanada ay maamusho odayaasha iyo ergooyinka beelaha ee soo xulay labo sano ka hor xildhibaanada Baarlamanka, iyagoo sheegaya iney towbada u qabanayaan, waxayna digniin ku bixiyeen in odaygii mudadaas ku iman waaya laga qaadayo talaabo adag.

Kooxdan ayaa sanadihii la soo dhaafay meelo kala duwan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Somalia odayaal iyo ergooyin ka tirsanaa kuwii soo doortay xildhibaanada baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -