Ciidamo cusub oo lagu arkay magaalada Kismaayo iyo cabsi lasoo daristay Musharaxiinta qaar

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta qeybo badan oo kamid ah magaaladaasi lagu arkay ciidamo cusub oo ka amar qaata Madaxweynaha Jubbaland.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal iyo hub kala duwan ayaa lagu arkayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana ciidamadan u muuqdeen kuwa feejigan oo goobo gaar ah magaalada ka joogay.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamadan ayaa u badan kuwa cusub oo daacad u ah kana amar qaata Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland, waxaana ciidamadan loogu tala galay in ay amaanka xaqiijiyaan inta doorashooyinka socdaan.

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shaki iyo cabsi badan ka muujiyay ciidamadan cusub ee Axmed Madoobe ka amar qaata, waxa ayna sheegeen in ciidankan doonayo Axmed Madoobe in doorashada u adeegsado.

Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland oo dhawaan ka dhaceysa  Kismaayo ayaa shaki badan laga muujinayaa, waxaana doorashada la sheegayaa in ay tahay mid u afduuban Axmed Madoobe oo mar kale Madaxweyne u tartamaya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -