Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Jubbaland oo ka jawaabtay War shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha gudaha Somalia

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland ayaa ka jawaabtay warkii shalay dowlada Somalia ka soo saartay  Doorasahooyinka Dawlad goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u Heshiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in Liiska Odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka Jubbaland uusan waafaqsanayn Diiwaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Beelaha, iyadoo ka digtay in la guda galo soo xulida xildhibaanada Jubbaland.

Hase ahaatee qoraal jawaab ah oo ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa waxay ku sheegtay in Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Gobolka oo Saacado yar kadib markii uu ka tagay dhacay

Cabdi Cade

Deni oo gaaray degaanka Garacad, kormeerna ku sameeyey dekeda cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Danjirayaal Cusub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---