Afhayeenka Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxii gobolka iyo shaqsiga lala beegsanayey

Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa sheegatay sida la filayey mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare xooggan.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab Shiikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta taageerta kooxdan u sheegay in howlgal si heer sare ah loo abaabulay ay ka fuliyeen gudaha xarunta Maamulka gobolka Banaadir halkaasoo ay ku dileen wax uu ugu yeeray caddow fara badan.

Shiikh Abuu Muscab ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa wakiilka QM u jooga Soomaaliya James Swan oo saacado ka hor halkaas kaga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka. balse ka tegay goobta saacad ka hor qaraxa.

“Si dirqi ah ayuu ninkan kaga badbaaday weerarka, waxaana uu goobta ka tagay daqiiqado ka hor inta uusan howlgalku dhicin” ayuu yiri Abuu Muscab.

Kama hadlin afhayeenku in qaraxan uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu qof isku soo xiray iyo in goobta lagu sii diyaariyey, iyadoo warbaahintu ay hadal heysay saacadihii ugu dambeeyey in qaraxa uu ahaa mid ay fulisay haweeney ismiidaamisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -