Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan dowladda oo ka qeyb galay bannaan-bax weyn oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirro katirsan Xukuumadda Siomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuluyiin kale  ayaa kumanaan ka tirsan shacabka caasimadda kala qeybgalay banaan-bax lagu taageerayay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha Badda oo ay wada galeyn dowladda Turkiya iyo dowladda  Soomaaliya.

Sidoo kale banaan-baxaan ayaa ahaa mid shacabka gobolka Banaadir  ay ugu mahadcelinayeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxda iyo Xubanaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ansixinta ay ansixiyeen heshiiskaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa iyagoo wata boorar iyo Calamada Turkiya & Soomaaliya waxa ay socod kusoo mareen qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen Madaxda Maamulka gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Eey madaxiisa la dul dhigay lacag si loo dilo oo ilaalo gaar ah loo sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo faah faahiyay Go’aankii ay ku diideen Mudo kororsiga

Cabdi Cade

Wasiir Goodax oo fariin u diray qaar ka mid ah ardayda Puntland oo cabasho muujiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---