Soomaaliya iyo Talyaaniga oo xoojinaya Xiriirka dhinaca Milatariga (Daawo Sawirada)

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa labada dhinac wada shaqeyn dhawna u yeelan lahaayeen ciidamada labada wadan gaar ahaan kuwa Milatariga.

Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe)ayaa magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga kula kulmay taliyaasha ugu sareeya ciidanka Milatariga Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ay Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha taageera ciidakada dowlada Soomaaliya, waxaana Talyaaniga magaalada Muqdisho ka jooga saraakiil iyo ciidamo gacan siiya ciidanka milatariga Soomaaliya.

 

- Advertisement -