Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Guddiga dhismaha garoonka Cawaale oo lagu cadaadinayo iney celiyaan lacagtii DF

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay guddiga dhismaha Garoonka Cawaale ee woqooyiga Gaalkacyo culays ku saarayso iney dib u celiyaan lacagtii uga timid Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la tilmaamay inay magaalada Gaalkacyo gaareen ciidamo ka yimid magaalada Garoowe oo loo soo diray iney xir-xiraan xubnaha guddigan, haddii ay diidaan iney celiyaan lacagta.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo socdaal muran dhaliyey ku tegay woqooyiga Gaalkacyo mar uu magaaladaas booqanayey dhowaan ayaa lacag gaareysa $220,000 oo dollar waxaa uu ugu deeqay guddiga dhismaha garoonka Cawaale taasoo markiiba lagu shubay akoonka guddigaas.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili magaalada Boosaaso ay ka taagan tahay xiisad tan la mid ah ka dib markii Puntland ay xabsiga dhigtay Masuuliyiinta guddiga dhismaha wadada Boosaaso oo loo heysto dhaqaale ay ka heleen  dowlada Soomaaliya si dhismaha wadada loogu kabo, iyadoo Puntland ay ku andacooneyso in dhaqaale kasta oo dowlada dhexe ku deeqdo la soo mariyo heyadaha Maaliyada Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo balanqaad u sameeyey dhaawacyo la keenay Boosaaso

Caydiid Ali

Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada Sida Quruxda badan ee loo dhisay garoonka Muqdisho Stadiom

Cabdi Cade
Taboola Ads ---