Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo talaabo ka qaadeyso dhibaato ka soo korortay baraha bulshada

Somaliland ayaa sheegtay iney bilaabeyso qorshe ay ku xakameyneyso wararka been abuurka ah, iyo dhaqamada xun xun, ee lagu baahiyo Baraha Bulshada.

Waxa go’aankan shaacisay Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo labaddii maalmood ee u dambeysay wadey shir ku saabsan adeegsiga teknolojiyadda, kaasoo ah mid sanadle ah.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Somaliland, Cabdiwali Sheekh Cabdullaahi Suufi, ayaa sheegay in talaabadani go’aankeeda la gaarey markii ay cadaatey in qiyamka dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida uu faraha kasii baxayo.

Wuxuu intaa ku darey wasiirka in Baraha Bulshada ay abuuraan dhibaatooyin kala duwan, sida been abuur, isku dir, anshax xumo iyo waxyaabo kale oo aan ku wanaagsaneyn dhaqanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag loo heysto iney gacan ka geysteen afduubkii Silvia Romano oo xabsi la dhigay

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Magaalooyinka Somalia oo laga mamnuucay Mooto bajaajka

Caydiid Ali

Madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo Hadiyado la siiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---