Kuleyl daran oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Maraykanka iyo dad u dhintay (Sawirro)

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay kuleyl wata huur daran oo Sabtidi shalay ka dhacay gobollo ku yaalla dalkan Mareykanka.

Warbaahinta ayaa ku warrameysa in lixda qof ee u dhintay mowjadadaha kuleelka ay ku kula sugnaayeen gobollada Maryland, Arizona iyo Arkansas.

Saraakiisha caafimaadka iyo kuwa Saadaasha Hawada ayaa horay uga digay in kuleelka Sabtidi iyo Axada maanta ah uu dadka ku sababi karo maskaxda oo uu dhiig ku furmo.

Heer kulka magaaladan Washington DC ayaa shalay aheyd celcelis ahaan 90-F degree, laakin maanta ayaa la filayaa inay gaarto 100 digrii. Waxaa intaasi dheer huur aad u daran oo uu kuleelka wato.

Dad gaaraya 700 oo u badnaa waayeel iyo dad sabool ah ayaa u dhintay kuleel sannadki 1995-ki ku dhiftay magaalada Chicago. Dadkaas ayaa ahaa intooda badan kuwo aanan helin qaboojiyeyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -