Dowlada Mareykanka oo abaal marin caalami ah siisay Imaam Masjid

Dowlada Mareykanka ayaa abaal marin caalami ah gudoonsiisay Imam Abuubakar Cabdullaahi oo 83 jir ah oo u dhashay dalka Nageria ,kadib markii uu bad baadiyay nolosha dad badan oo Kirishtaan ahaa oo qarka u saarnaa in la dilo.

Imaamkan u dhashay dalka Nageria ayaa la siiyay abaal marinta caalamiga ah ee Diimaha ee bixiso dowlada Mareykanka, waxaana abaal marintan sanadkan ku guuleestay shan ruux uu ku jiro Imam Abuubakar.

Abuubakar ayaa abaal marinta ku muteestay kadib markii uu bad baadiyay 262 qof oo Kirishtaan ahaa, waxaana dadkan weerar kusoo qaaday dad doonayay in ay dilaan hasa ahaatee Imaamka ayaa dadkan siiyay gabaad iyo meel ay ku nabad galaan.

Imaamka ayaa la sheegay in dadkan oo la doonayay in la laayo uu ku xareeyay masjidka uu gacanta ku hayay iyo gurigiisa, waxa uuna is hortaag ku sameeyay maleeshiyaadkii doonayay in ay dadkaan Kirishtaanka ah dilaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Michael Pompeo oo abaal marinta siiyay Imaamka ayaa sheegay in Imaam Abuubakar uu noloshiisa halis u galiyay si uu u bad baadiyo dad badan oo halis ugu jiray in la laayo.

Madaxweynaha dalka Nageria Muhamadu Buhari ayaa horey Imaamkan kunool bartamaha dalka Nageria u siiyay abaal marin sharafeed, waxa uuna ku amaanay bad baadintii loo riyaaqay uu sameeyay.

 

 

- Advertisement -