Muuse Biixi oo Weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo caawa khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Hargeysa ayaa eedeyn xoogan usoo jeediyay Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya

Muuse Biixi sheegay in madaxweyne Farmaajo kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimid, waxa uuna xusay in Madaxweyne Farmaajo la yimid cadaawad aan horey loo arag.

“Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa gef iyo gardarro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya  uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini.

“Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.” Ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalkan caawa kasoo yeeray Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madaxweyne Farmaajo magacaabay Guddiga dowlada federaalka ku matalaya wadahadalada ay ka galayaan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -