Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab qorsheynayey duulaan cusub oo lagu laayey gobolka Sh/dhexe

Ciidanka DF iyo saaxiibada caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Al-shabaab

Raggan ayaa doonayey inay weeraraan dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ee ku sugan degmadaas sida lagu sheegay qoraal ay baahisay idaacada ku hadasha codka DF.

“Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa” ayaa sidoo kale lagu sheegay warka Idaacada.

Ciidamadu waxay ku guulaysteen baa la yiri inay fashiliyaan dhagarta al-shabaab sidoo kalana ay laayaan dadka ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaaro ka soo gaarin.

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay cida ay la beegsadeen Qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

K/Galbeed oo shaacisay Jadwalka doorashada 3 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore DDSI oo codsi u diray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---