Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo Xilka ka qaaday Taliyihii ciidanka PMPF, Mid kalena Magacaabay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Wareegto xilka looga qaaday xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan.

Deni ayaa agaasimaha cusub ee ciidanka PMPF u magacaabay ninka lagu magacaabo Cabdi-rabbi Cismaan Maxamed

Wareegtada xilka qaadista iyo magacaabista ayaa laga qariyay warbaahinta ka howlgasha degaanada Puntland.

Laguma sheegin wareegtada sababta xilka looga qaaday taliyihii hore ee Ciidanka, mana jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya sababta keentay.

Ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa waxaa tababaray dowlada Imaaraadka Carabta oo sidoo kale bixisa mushaharkooda, iyadoo loogu talo galay iney la dagaalamaan burcad badeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa ceyn wareejiyey siyaasadihii Siyaad iyo Farmaajo..?!

Caydiid Ali

Shirka Madasha Nabadda Paris oo furmay iyo RW Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Musharax Shaaciyay in Ra’isul Wasaare Rooble lagu cadaadinayo in uu u tanaasulo Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---