Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka G/Banaadir oo Banjarinaya Gaadiidka Wadooyinka lagu dhax dhaqo (Sawirro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay in ay banjariyaan taayarada gaadiidka lagu dhaqo wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay ciqaab uga dhigaan dadka inta badan gaadiidka ku dhax dhaqda wadooyinka.

Agaasimaha Nadaafada maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay banjariyeen gaari laamiga lagu dhaqayay, waxa uuna xusay in qofkii gaari wadada ku dhax dhaqa la kulmi doono Ciqaab iyo Ganaax.

”Jid ay Maalin walba xaaqdo Hooyo Soomiyeed ayuu Mu Dhex Dhaqay Baabuurkiisa Wuxuuna awooda In uu labaajo Geysto, saakay waxaan ka Banjarinay 2 Lugood oo aan Aaryada Ka Saarnay, Qof walba oo Jidka Nadaafadiisa Ku Dheela Ganaax Iyo Ciqaab Naga Filo” Ayuu yiri Agaasime Xalane.

Talaabadan uu maamulka gobolka Banaadir qaaday ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, waxa ayna dad badan dhaliileen in gaadiidka la banjariyo iyagoona taa badalkeeda ku baaqayeen qofkii lagu qabto in laga qaado lacag ganaax ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska uu ansixiyey Golaha Wasiirada DF ee lala soo galay dalka..?

Caydiid Ali

Maxkamad ku taala Cape Town oo xukun ku riday nin horey u dilay qof Soomaali ah

Caydiid Ali

Sheekh Cali Dheere oo shaaca ka qaaday sababtii ay u weerareen magaalada Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---