Xabsi guri la galiyay Dawud Ibsa Ayana iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Guddoomiyaha Ururka OLF ee dalka Itoobiya Dawud Ibsa Ayana, ayaa la galiyay xabsi guri, kadib markii dowlada Itoobiya ku eedeesay in kooxda uu hogaamiyo qeyb ka tahay khalalaasaha ka jira qeybo kamid ah dalkaasi.

Dawud Ibsa Ayana, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo milatari ah oo ka socda dowlada federaalka gurigiisa la wareegeen lana galiyay xabsi guri, waxa uuna xusay in lagala wareegay telfoonkiisa gaarka ah loona diiday in gurigiisa lasoo galo.

“Ciidamadu waxa ay yihiin marki aan weydiiyey waxay ii sheegeen iney amnigeyga u baqayaan oo ay ilaalinayaan , hadalkooda ayaanna aaminay, balse markii dambe ayey xaaladdu isbeddeshay,Jimcihii shalay ahaana waxaa la ii sheegay inuu gurigeyga qofna uu geli karin qofna uu ka bixi karin, waxaana galabnimidi Jimcaha la iga jaray taleefankeygi gacanta ee aan aniga gaarka u lahaa.” ayuu yiri Dawud Ibsaa.

Dowlada Itoobiya ayaa ku eedeesay ururka OLF in ay ka dambeeso dhibaatooyinka dalkaasi qeybo kamid ah ka jira, waxaana xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya sheegay in garabka hubeesan ee OLF dhibaato kawadaan gudaha Itoobiya.

Magaalooyin badan oo kuyaala dalka itoobiya gaar ahaan gobolka Oromada ayaa waxaa ka socda dibad baxyo iyo rabshado ay dhigayaan dad kasoo jeeda Qowmiyada Oromada kuwaa oo ka carooday dilkii loo geestay FanaankiiHachaaluu Hundeesaa.

 

- Advertisement -