Dad sameenayay Dukumiintiyo been abuur ah iyo qalabkooda oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen rag ku howlanaa sameynta dukumiintiyo been abuur ah iyo sidoo kale qalabkii ay adeegsanayeen.

Dadkan lasoo qabtay ayaa la sheegay in ay ka shaqeenayeen sameynta dukumiintiyada been abuurka ah sida baasaboorada, shahaadooyinka, warqadaha caafimaad iyo sidoo kale warqado kale oo been abuur ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayay dadkan lasoo qabtay qalabkii ay adegsanayeen iyo qaar kamid ah dukumiintiyadii ay sameeyeen waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Maaliyada, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo sidoo kale taliska booliiska.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Hay’adaha dambi baarista in ay dedejiso baaritaanada kiiskan si Maxkamad loo horgeeyo dadkii ku howlanaa sameynta dukumiintiyada been abuurka ah.

Masuuliyiintii ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay Dukumiintiyada been abuurka ah ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ay jiraan dad wali ku howlan in ay sameeyaan duumiintiyo been abuur ah iyada oo la heli karo kuwii saxda ahaa.

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala Suuqyo madow oo lagu sameeyo dukumiintiyada been abuurka ah, waxaana dhowr mar ciidamada amaanka sidan oo kale usoo qab qabteen dad ku howlanaa dukumiintiyada been abuurka iyo qalabkii ay adeegsanayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -