Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gudoomiyay shir xasaaasi ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa amaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Shirka golaha Amniga Jubbaland uu gudoominayay Madaxweynaha ayaa diirada lagu saaray sidii dhamaan Hay’adaha Amnigu iskaga kaashan lahaayeen sugida nabadgalyada Jubbaland.

Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha dhinaca amaanka ee u diyaarsan inta lagu guda jiro diyaar garowga doorahada Jubbalanad iyo marka ay dhacayaan doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa amaanay Hay’adaha amaanka Jubbaland , waxa uuna faray saraakiisha laamaha amaanka in ay labo jibaaraan shaqada ay hayaan si loo xaqiijiyo amaanka Kismaayo gaar ahaan goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baasaboorada ugu awooda badan caalamka 2023 & Somalia oo ka horumartay dalal badan

Caydiid Ali

Difaacii ugu adkaa ee Daacish ku lahaayeen buuraha Calmiskaad oo la qabsaday

Cabdi Cade

Dal caan ah oo bilaabay inuu soo saaro Khamri loogu magac daray Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---