Wasiirad Khadiijo Al-Makhzoumi oo arin muhiim ah kala hadashay Wasiirka A/dibedda Finland

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada XFS Marwo  Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa Maanta la kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Finland mudane Pekka Haavisto.

Waxey  ka wada hadleen  xiriirka labada dal iyo iskaashi xoog leh oo ku aaddan isbedelka cimilada iyo taageerada Finland ee dadaalka soo kabashada dalkeena Soomaaliya.

“Sharaf ayey ii ahayd inaan maanta kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland mudane Pekka Haavisto” ayey tiri Almakhzoumi.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada ayaa sidoo kale xustay waxyaabaha ay ka wada hadleen.

“Waxaan ka wada hadalnay xirrirka labada dal, iskaashi xoog leh oo ku aaddan isbedelka cimilada iyo taageerada Finland ee dadaalka soo kabashada dalkeena Soomaaliya” ayey tiri wasiirada.

 

- Advertisement -