Dib u dhac sanadkan ku yimid Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada Sare

Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada Somalia ayaa rajo xumo ka muujisay in sanadkan la qabto imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaarada oo lagu baahiyey barta ay ku leedahay facebook ayey ku sheegtay in sababo la xiriira cabsida laga qabo faafida cudurka Coronavirus awgeed aan loo qaban karin imtixaanka oo xiliga la geli lahaa.

“Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad inuusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay” ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada.

Wasaarada ayaa intaas ku dartay in waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib laga soo sheegi doono, iyadoo arrintana au ku soo beegantay xili dowladda Soomaaliya ay dhowaan fasaxday dhammaan Iskuullada iyo Jaamacaddaha ku yaalla dalka si looga hortaggo faafida Cudurka Covid 19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -