Xaaf oo shaaciyay cida Wakiil uga noqoneysa Arimaha Doorashooyinka Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ay wakiil uga noqoneyso geeddi socodka Dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa isbadal badan ku yimid go’aankii hore ee doorashooyinka maamulka Galmudug, waxaana xeerkan uu soo saaray muujineysaa in Madaxweyne Xaaf uu banaanka ka istaagayo geeddi socodka Dib u heshiisiinta iyo Doorashooyinka Galmudug ka dhacaya.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee Galmudug ayaa sidoo kale ku amray dhamaan hey’addaha kala duwan in ay sii wataan howlaha iyo waajibaadka shoqo ee saaran inta laga dhisayo maamul cusub oo bedela kan hada jira.

        Halkan ka Akhriso Qoraal Madaxweyne Xaaf soo saaray 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -