Daawo Sawirada: Sida magaalada Baladweyne u saameesay Fatahaada Wabiga

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xiligan ka jira xaalad adag oo dhinaca bini’aadanimada ah, waxaana qeybo badan oo kamid ah magaaladaasi saameyn ku yeeshay fataahada uu sameeyay wabiga Shabelle.

Kumanaan qoys oo kunoolaa magaalada Baladweyne ayaa guryahooda uga qaxay fatahaada wabiga sameeyay, waxaa sidoo kale wali jira dad badan oo ku go’doonsan qeybo kamid ah magaalada gaar ahaan xaafadaha fatahaadu saameesay.

Xaafadaha magaalada Baladweyne qaarkood waxaa galay biyaha wabiga ee kusoo fatahay, waxaa sidoo kale xirmay wadooyin badan oo magaalada kadib markii ay biyo badan fadhiisteen.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabdelle ayaan wali qaadin talaabooyin lagu garab istaagayo dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaada wabiga, sidoo kale lama sameyn wax kahor tag ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -