Dowlada oo maanta si rasmi ah ula wareegtay Ciidankii Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Kooxda Ahlu Sunna ayaa maanta si rasmi ah ciidankeeda ugu wareejisay dowlada fedeeaalka Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Dhuuso Mareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka.

Kheyre oo booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa ku boorriyay ciidanka Ahlu Sunna in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan gelinta  si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.

Taliyaasha ciidamada qalabka sida ayaa lagu wareejiyay ciidamada Ahlu Sunna katirsanaa ee dowlada la wareegtay si loo qarameeyo, waxaana ciidamadan loo bilaabayaa tababar ay kaga mid noqonayaan ciidanka Qaranka.

- Advertisement -