Farmaajo oo Xariga ka jaray Wado laami ah oo Muqdisho laga dhisay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saakay xariga ka jaray  wado  laami ah oo isku xiraysa degmooyinka Shangaani iyo Cabdicasiis.

Wadadadn Madaxweynaha xariga saakay ka jaray ayaa isku xiraysa Degmada Shangaani iyo Xeebta Liido oo katirsan degmada Cabdicasiis, waxaana wadadan dhisay Maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarig jarka Wadadan kadib ugu magac daray Gabyaaga Caanka ah Allaha u naxariistee Cabdulaahi Suldaan Tima Cadde oo dad badan ku xasuustaan gabayga Calan saarka ah ee ”Kana siib kana saar ”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis balaaran ku sameeyay laamiyo badan oo bur bursanaa, waxaana dhismahan laamiyadan cusub ka qeyb qaadanayaan bilicda caasimada Muqdisho.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -