Allbanaadir.com
NEWS

Qayb cusub oo lagu kordhiyay BBC News Somali TV oo billaabaneysa toddobaadka soo socda

BBC News Somali TV  ayaa kuu  soo gudbinaya doodo gaar ah, warar aan horey loo maqal iyo codad kala duwan oo Soomaali ah:

30-ka daqiiqo ee barnaamijka cusub ee Caawa iyo Caalamka ee BBC News Somali TV wuxuu billaabanayaa Isniinta 30 July.

Barnaamijka oo maalin walba hawada gali doona Isniin-Jimco wuxuu isugu jiraa warar, wareysiyo iyo falanqeyn. Qaybtan cusub waxay wakhti dheeraad ah siin doontaa wararka aan meelaha kale laga sheegin.

Tusaale ahaan qodobada toddobaadyada soo socda daawadayaashu filan karaan waxaa ka mid ah:

* Warbixin eegeysa dhibaatada mindiyaha ee saameynta ku haya dadka Soomaaliyeed ee qurbaha 

*Sheeko ku saabsan gabar Soomaaliyeed oo dharka xayeysiisa oo xirata xijaab oo caalamka caan ka noqotay

*Wareysi aan la yeelanay Majid Majid – Duqa magaalada Sheffield oo ah Soomaali da’yar oo saxaafaddu hadal heyso Yurub

 Waxaa laga heli kalaa telefishinada aan wada shaqeynta leenahay 

Kalsan: Isniin – Jimco 8.00 Habeennimo

SBC: Isniin – Jimco 8.00 Habeennimo  

STN: Isniin – Jimco, 9.45 Habeennimo  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka Nabdoon mid kamid ah Waddmada Caalamka ugu awoodda badan

Cabdi Cade

Shaqada Wasaradda Amniga waa Nuucee Maxaysa Qabataa Xiligaan Yaase Masuul ka ah Aminga Caasimadda !!

admin

Dugsiga Alshaadiri Quran Online oo Fursad u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---