Guddiga qaban-qaabada aaska Marxuum Max’ed Qanyare Afrax oo War soo saaray

Guddi qaban-qaabo oo loo xilsaaray aaska Qaran ee Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo Hotel Hayat ee Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ehelada marxuumka ayaa shaaciyey in berri oo Axad ah qabuuraha Dayniile lagu aasi doono meydka Max’ed Qanyare Afrax.

Marxuumka ayaa maanta Isbitaalka Digfeer ugu geeriyooday xanuun in muddo ah hayay, halkaasoo loo geeyey in lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Allaha u naxariistee siyaasiga Maxamed Qanyare Afrax ayaa horay u qabtay saddex jeer Xilal Wasiirnimo isagoo labo jeer noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia, wuxuuna ahaa hogaamiyeyaashii kala maamulayey magaalada Muqdisho, waxaana lagu xusuustaa amnigii uu ka dhaliyey degmada Dayniile iyo kaalintii uu ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibediisa.

Madaxweyne Farmaajo, masuuliyiin kala duwan, Siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, iyagoo ALLE uga baryey inuu janadii ka waraabiyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -