Dad aroos u socday oo ku dhintay Qarax ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax miino uu haleelay gaari nuuca dadweynaha ee loo yaqaan Homy oo ay la socdeen dad shacab ah oo kusii jeeday goob ay ka socotay xaflad aroos.

Inta la xaqiijiyay 4 qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen gaariga  qarax miino lagula eegtay wadada u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose .

Dadka ku dhaawacmay qaraxan miino ee maanta dhacay ayaa la geeyay isbitaal kuyaala magaalada dhoobley , waxaana dadka dhaawacyada qaba qaarkood la sheegay in ay kuyaalaan dhaawacyo culus .

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan haleelay gaariga dadka shacabka ah la socdeen , waxaana wadooyinka gobolka jubada Hoose qaarkood ku jira qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada ee wadooyinkaasi mararka qara mara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -