Maxaa looga hadlayaa Wadahadalka Nairobi uga furmaya Somalia & Somaliland?

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furmaya maanta wadahadalo u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ka dib muddo sanado ah oo wadahadalada ay hakad ku jireen.

Xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ayaa soo qaban-qaabisay wadahadalkan oo xoogga lagu saari-doono arrimo ay ka mid yihiin: Haddii ay jiraan guulo ama guul-darrooyin la xiriira wada hadalladii la soo galay iyo halka la joogo, kaalinta gobolka ee ku aadan wada hadalka iyo sida loo bilaabayo wada hadalada cusub.

Labada dhinac waxaa ku metelaya wadahadaladan masuuliyiin heerkoodu hooseeyo oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Nuur Diiriye Fursade iyo Kaaliyihiisa,  Cabdisatar Geelle, halka dhinaca Somaliland ay ka socdaan Maxamed Cabdi Rodol oo ah maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, Somaliland & Baashe Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

Waxaa wadahadalkan sidoo kale ka qeyb galaya xubno ka tirsan beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Somalia oo ay ka mid yihiin   Ergeyga Turkiga u qaabilsan wadahadalka Soomalaiya iyo Somaliland danjire Oglan Baker, Agaasimaha xafiiska siyaasadda iyo dhexdhexaadinta UNSOM Taariq Chaudhry,  Ergeyga EU ee Geeska Afrika Alexander Rondos,  Ergeyga IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyo, Safiirka Sweden ee Soomaaliya Johan Svenson, Agaasimaha USAID ee Soomaaliya Jeffrey Bakken iyo xubno kale.

Waxaa filayaa in wadahadalkan laga soo saaro qodobo gogol-xaar u noqonaya wadahadal toos ah oo madaxda labada dhinac iskugu yimaadaan dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -