Somalia oo ku gacan seyrtay in Kenya hogaamiso howlgalka ilaalada xeebaha dalka

Xukuumada Somalia ayaa ku gacan-seyrtay go’aan ka soo baxay kooxda xiriirka Somalia oo Kenya ay ugu doorteen iney hoggaamiso hawl-galka la dagaalanka burcad-badeedda ee xeebaha Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dowladiisu aysan u hoggaansami doonin go’aanka kooxda xiriirka Somalia ay Kenya ugu doorteen inay noqoto gudoonka labada sano ee soo socota ee howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda.

“Hadda ma jiraan burcad-badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Somaliyana waxaa u dhaxeyso xurguf dhinaca badda ah, taasoo dacwaddeedu ay taallo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, waxaana cadeynayaa in howshii la dagaallanka burcad-badeedda Somalia ay dhamaatay” ayuu yiri wasiirka

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku wuxuu beeniyay in ciidan Kenyan ah ay ilaaliyaan biyaha Somalia, isagoo xusay in ciidammo isku-dhaf ah oo ka socda kooxda xiriirka Somalia ay yihiin kuwa hawsha ilaalada ka ah ka wada xeebaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -