Trump oo qaaday talaabo kale oo cirka sii gelineysa xiisada Iran & Maraykanka

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay cuanqabateyn cusub uu ku soo rogay dalka Iran, cunaqabateynka oo saameyn u geysanaya hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

Mr Trump wuxuu sheegay inuu cunaqabateyntan cusub ay tahay mid jawaab looga dhigayo diyaraddi aan duuliyaha lahayn uu Mareykanku lahaa ee ay Iran soo ridday iyo falal kale oo ay ku dhaqaaqday.

Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ee ugu sarreeya Iran “ayaa ka masuul ah dabeecadaha qallifan ee uu caadeystay maamulka Tehran” ayuu yiri Mr Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Javad Zarif wuxuu sheegay Mareykanka inuu quursaday Diblumaasiyadda, uuna door bidayo dagaal uusan hubin inuu guul ka gaari doono.

Mareykanka marka uu cunaqabateynka cusub ku dhawaaqay kaddib wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Iiran Mr Zarif boggiisa Twitterka uu ku qoray wuxuu Mareykanka ku eedeeyey inuu yahay “dal dagaal u heellan”.

Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku sii shareereysay toddobaadyadii ugu dambeeyey.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steve Munchin wuxuu sheegay Mr Trump inuu bixiyey amar culus oo lagu xayirayo lacag gaareysa 95 bilyan doolar oo uu leeyahay, hogaamiyaha diinta Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

t

- Advertisement -