Farmaajo oo ka hadlay isfaham la’aanta dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda dalka, gaar ahaan isfaham darada ka dhex jirta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in in cid kasta oo kasoo horjeedda arragtida dowladda ay iyadu tahay tan kasoo horjeedda federaalka, isagoo madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ku eedeeyey iney faraha la galeen howlo aysanba shaqo ku laheyn, marka la eego waajibaadkooda shaqo.

“Qof kasta si ha u arko, wuxuu ka mid yahay dooda socota, oo ay dowladnimadeena ku dhismayso, oo aan ku fasireyno muxuu yahay federaal, inkasta oo nala dacaayadeeyo, anaga waxaan niraahnaa federaalka saxda ah anaga ayaa ah” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayey dufcadii ugu horeysay ee ka qelin jebisay Jaamacada ummada tan iyo markii dib loo aasaasay dhowr sano ka hor.

Waxa uu intaas ku daray in Somalia ay u baahan tahay dowlad dhexe oo awood leh si sharaftii ay Soomaaliya laheyd loo soo celiyo.

“Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo siyaasad dibadeed oo adag leh, dowlad dhexe oo xuduudaheeda illaalisa” ayuu yiri madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale dhallinyaradii uu la hadlayay ku dhiirogaliyay in aysan aqbalin wax ka yar dowlad adag.

Madaxweynaha ayaa maamul goboleedyada doorkooda ku sheegay daadajinta adeegyada bulshada degaanada ay maamulaan.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagayaan xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo dalka ka taagan, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ah kan qalaalasaha badan dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -