Raisul Wasaare Khayre & wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu horkacayo Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Raisul Wasaaraha oo ay wafdigiisa ka mid ahaayeen xubno ka tirsan goleyaasha dowlada iyo saraakiil ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb Masuuliyiinta sare ee Ahlu sunna iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumada Somalia oo maalmahan halkaas ku sugnaa.

Booqashada Khayre ku tegay Dhuusamareeb ayaa kaa dambeysay markii dowlada Somalia iyo madaxda Ahlu suna ay saacadihii ugu dambeeyey ku gaareen Dhuusamareeb heshiis dhigaya in afarta bisha soo socota la qabto doorashada Madaxweynaha Galmudug ka dib markii uu waqtigii ka dhacay madaxda Galmudug ee hadda xilka heysa.

La soco goor dhow faahfaahinta iyo sawirada safarka raisul Wasaaraha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -