Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo kusii jeeda magaalada Dhuuso Mareeb 

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaaladaasi la dhigay ciidamo badan oo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan amaanka Wafdiga ku wajahan magaaladaasi.

Shalay ayaa magaalada Dhuuso Mareeb waxaa gaaray wafdi horu dhac u ah safarka la filayo in Ra’isil Wasaaraha Soomaaliya ku tago magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana horey magaalada ugu sugnaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo Xildhibaano labada aqal katirsan.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Dhuuso Mareeb ayaa imaanaya kadib markii dowlada ku guuleesatay in ay la heshiiso kooxda Ahlu Sunna sidoo kale fashilo qorshihii Xaaf uu mudadada ku kororsanayay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka taagan Magaalada Baydhabo iyo qalalaase cusub oo laga cabsi qabo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga dalbaday in uu wax ka qabto 10-kan qodob ee Muhiimka ah

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay Sawiradda Ragii fuliyay Weerarkii Xerada Manda Bay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---