Shaqo joojin lagu sameeyay Karar Shukri Doomey iyo Sababta keentay (Halkan ka Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Wasiir kuxigeenka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa shaqada looga joojiyay Agaasimihii Wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Karar Shukri Doomey.

Sida ku cad Wareegtada Agaasimaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay in uu kala qeybinayay shaqaalaha Wasaarada uuna abuurayay koox koox, waxaa sidoo kale Agaasimaha kasoo cabtay qaar kamid ah Hay’adaha taageera Wasaarada.

Agaasimanha Wasaarada Batroolka ee shaqada laga joojiyay ayaa sidoo kale loo jeediyay eedeyno badan, waxaana agaasimaha la sheegay in uu aad ugu dhaw yahay Madaxweyne Farmaajo taasina ay sababtay in awood dheeraad ah lasoo baxo.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Shaqo Joojinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -