Firin Max’ed Khuurshe oo goor dhow la dilay & faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kooxo hubeysan ayaa goor dhow halkaas ku dilay guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Firin Maxamed Khuurshe.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gudoomiyaha la dilay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay hotel ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Dableyda dilka geysatay ayaa markiiba deg deg uga baxsaday goobta iyagoo aan gacanta lagu dhigin sida wararku sheegayaan.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxaha dilay masuulkan hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -