Wararkii Ugu Dambeeyay Madaxweyne Xaaf oo diiday in uu la kulmo Wasiir Sabriye iyo Kulamo …

Magaalada Dhuuso Mareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya , wafdigan ayaana magaaladaasi u tagay sidii meesha looga saari lahaa mudo kororsiga Madaxweyne Xaaf.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Dhuuso Mareeb kula kulmay Madaxa Xukuumada maamulka Galmudug Sheekh Shaakir iyo Hogaamiyaha ugu sareeya kooxda Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.

Kulamadan ayaa ahaa kuwa looga arinsanayay sidii Ahlu Sunna u aqbali laheyd in doorashada maamulka Galmudug  dhacdo bisha soo socota ee July laguna qabto magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye iyo wafdiga la socda oo isku dayay in ay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku guul dareestay, waxa uuna Xaaf diiday in uu hor fariisto Wasiirka iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Wafdiga dowlada ay sifo sharci daro ah kusoo galeen magaalada Dhuuso Mareeb, waxa uuna cadeeyay in uu ka xun yahay sda ay u dhaqmeyso Dowlada federaalka.

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb ku kulmaan Waxgarad iyo siyaasiyiin matalaya Madaxweyne Xaaf iyo Wasiirka Arimaha gudaha iyo Wafdiga la socda, waxa ayna labada dhinac kawada hadlayaan sida uu qorshuhu yahay sidi la isugu soo dhawaan lahaa.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf ayaa xiligan ku jira go’doon siyaasadeed, waxaana Xaaf dhabarka xejiyay kooxda Ahlu Sunna uu isku haleenayay horeyna u galeen heshiisyo iyo balamo badan ay kamid aheyd in ay wada joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -